Beesha Caalamka oo soo dhoweeyay heshiiska Doorashada ee Madaxda Soomaalida

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Saaxibada Beesha Caalamka ayaa loogu mahadceliyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble bogaadinaynaa sida uu u hoggaamiyay geeddi-socodkan, iyo sidoo kale Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, iyo siyaasiyiinta kale ee sida habsanida leh ee wax ku oolka ah uga qaybqaatay wadahadallada.

“Waxaan Mahad u soo jeedinaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ oo ku baaqay 1dii bishan Maajo in lagu laabto hanaanka doorashada 17 Sebtembar ee heshiiska ku saleysan.”ayaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka ay soo saareeb saaxibada beesha caalamka ee Soomaaliya.