Haraaga 215 caruur ka soo jeeda dadka loogu tagay Canada oo la helay

Qalfoofka ilaa 215 caruur ah oo qaarkood ahaa saddex sano jir ayaa laga helay meel u dhow iskuul ay daganaan jireen waxna ka baran jireen caruurta qabaa’ilka loogu tagay Canada.

Ra’iisulwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa warka helitaanka haraaga caruurtan ku tilmaamay qalbi-jab.

Caruurtan ayaa ahaa arday wax ka baraneysay dugsiga Kamloops Indian Residential School ee gobolka British Columbia, kaas oo la xiray sannadkii 1978-kii.

Rosanne Casimir oo ah caaqilka qabiilka Tk’emlúps te Secwépemc ayaa sheegay in bulshooyinka Canada loogu tagay ay ogaayeen warka la xiriira dilka carruurta, balse ay hadda awoodeen in ay xaqiijiyaan. Wuxuu intaasi raaciyay in hadda ay hayaan su’aalo ka badan jawaabaha la sugayo.

Baaritaan socday muddo lix sano ah ayaa sanadkii 2015-kii lagu ogaaday in iskuullada hoyga iyo waxbarashada isugu jiray ee sida qassabka ah loo geyn jiray caruurta ay dhaleen qabaa’ilka dadka asal ahaan leh Canada, ay ka dhaceen xasuuq dhaqameed.

Kumannaan carruur ah ayaa la ogaaday in la jir-dilay, la kufsaday ama la dilay inti u dhaxaysay 1840-kii ilaa 1990-kii.