Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweynayaasha Masar iyo Jabuuti ?

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa Khamiistii magaalada Jabuuti kulan kula qaatay dhiggiisa waddankaas, Ismaaciil Cumar Geelle, arrintaas oo qayb ka ah dadaalka diblomaasiyadeed ee Masar ay ku dooneyso inay sameysato xulafo dheeraad ah oo reer Afrika ah, xilli uu cirka isku sii shareerayo muranka kala dhaxeeya Itoobiya.

Booqashada Al-Sisi uu ku tagay waddanka ku yaalla geeska Afrika waxay noqotay tii ugu horreysay ee uu madaxweyne Masaari ah sameeyo tan iyo markii ay Jabuuti xornimadeeda qaadatay sanadkii 1977-kii.

Arrintani waxay abuurtay hadal heyn ay wadaan qaar ka mid ah warbaahinta caalamka oo ku aaddan in Masar ay ka fikireyso sidii ay awood ugu adeegsan lahayn Itoobiya.

Lama oga tallaabada xigta ee ay qaadi doonto xukuumadda Qaahira, laakiin wadahadalka Al-Sisi iyo Geelle ayaa si guud ugu saabsanaa xoojinta xiriirka labada waddan iyo in Masar ay Jabuuti kala shaqeyso amniga iyo xasiloonida gobolka, waxayna isla meel dhigay “inay iska kaashadaan” dagaalka ka dhanka ah argagixsada geeska Afrika.