Taliska Ciidanka Xoogga oo war kasoo saaray howlgal lagu dilay xubno Al-Shabaab ah

Taliska Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay hawlgal ciidan oo ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Ciidamadu ay jab ku gaarsiiyeen Al-shabaab hawlgal ka dhacay tuulooyinka War-Ciise iyo Gal-labashiir ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Gen. Odowaa ayaa tilmaamay in hawgalkaas lagu dilay in ka badan 15 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, halka kuwa kalena lagu dhaawacay sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidamadu ay burburiyeen xarumo Ciidan oo Al-shabaab ku lahaayeen tuulooyinka War-Ciise iyo Gal-labashiir ee Gobolka Shabeelada dhexe.