Ciidanka DANAB oo sameeyay howlgal Miino baaris ah

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab  ayaa howlgallo qorsheysan saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo marraka qaar ay tagaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa Ciidamada waxaa ay ka fuliyeen fuliyeen  Tulooyinka Shabac,  Xarxaarka,  Gaabo_gabdhoole,  Labikuus, ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo weeraro isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ay marraka qaar ka geystaan Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka  5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee danab Carab Dheeg Axmed ayaa sheegay in Cidianka DANAB ay ku guuleysteen inay howlgalka ku soo saaraan 5 Miino oo Al-Shabaab wadooyinka ku Aaseen so ay Shacabka ugu kudhibaateeyaan.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada DANAB ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa iyo inta degaannada Gobolka Jubbada Hoose laga saarayo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.