Baarlamaanka Puntland “DF Soomaaliya baa hor-istaagtay fulinta heshiiskii DP World”

Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hor-istaagtay fulinta heshiiska Puntland ay la gashay Shirkadda DP World sanadkii 2017-kii, kaas oo dhigayay in DP World ay horumariso dekedda magaaladda Boosaaso.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo xalay kulan la yeeshay xubnaha ururada bulshada Rayidka ah, ayaa su’aalo laga weydiiyay sababta loo fulin waayay heshiiska DP World. Waxaana ay sheegeen in DF Soomaaliya ay hor-istaag ku samaysay dhaqan-gelinta heshiiska, si loo hormariyo dekedda Boosaaso.

Heshiiska DP world oo la saxiixay 6 April 2017, islamarkaana Baarlamanka Puntland ansixiyay 27 july 2017 ayaan weli waxba ka fulin.

12 Maarso 2018, Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis kasta oo lala galay DP World, waxaana 15 Maarso 2018  go’aankaas ku raacay Aqalka sare ee Baarlamanka.