Gen. Cabdi Yare “Booliska Puntland waxaan uga digayaa in ay ku milmaan ururada siyaasadda” (VIDEO)

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, ayaa uga digay Ciidammada Booliska inay ku dhex milmaan ururada siyaasadda Puntland, isagoona tilmaamay inay xaq u lee yihiin inay codeeyaan, balse ay ka mamnuuc tahay inay la kala saftaan.

“Ururada Siyaasadu waa noo siman-yihiin, ciidanka booliska waxaan uga digayaa in ay ku milmaan siyaasada, codayn xaq ayay u leeyihiin, laakiin ka mid noqosho urur ama u ololayn mamnuuc ayay ka tahay” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Yare.