Axmed Madoobe oo ka hadlay ansixinta Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida aqlabiyada leh ee ay u meel mariyeen Xukuumada Cusub.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howlo waa weyn ay horyaalan Xukuumadan oo ay kamid yihiin hormarinta dhaqaaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo maamul dadaajinta isagoo xusay inay howlahaas oo dhan iyo kuwo kalaba door Wanaagsan ka qaadanayaan dardar galinta shaqada ay tahay in xukuumadu ay ku qabato mustaqbalka dhow iyadoo kaashanaysa Bulshada Jubaland.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqonayso arin mudnaan gaar ah leh si loo gaaro himilooyinka shacabka ree Jubaland ee dhismaha Dowladnimo u adeegta danahooda.

Madaxweynaha ayaa gaba gabadii gudoonka Golaha iyo Xildhibaanadaba ku amaanay sida ay u fududeeyeen in howlahaas baaxada leh ay Xukuumadan Cusub guda gasho.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.