Ra’iisul Wasaare Rooble oo baaq deg-deg ah kasoo saaray xaalada magaaladda Jowhar (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka inay gargaar la soo gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga Shabelle uu ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Jowhar ayuu ku sheegay ra’iisul wasaaraha in uu guddi u saarayo sidii wax loogu qaban lahaa fatahaada wabiga Shabelle uu ka sameeyay gobolka Sh/dhexe.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqashadii ugu horeysay ku tegey magaalada Jowhar tan iyo markii uu xilkaasi qabtay ayaa sheegay in indhahiisa uu ku soo arkay dhibaatada fataahada wabiga Shabelle uu soo gaarsiiyay shacabka ku nool ka magaalada Jowhar, waxana uu xusay in xukuumadiisa ay u dejin doonto nidaam loogaga hortago fatahaada loona helo xal waara.