Taliyihii Ururka 6-aad ee Gorgor oo lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Jowhar

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal xoog leh oo u dhexeeya ciidamada dowlada federalka iyo maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab oo ka dhacay deegaano dhinaca Bari ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xoogan oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada War-Ciise iyo Aqabduco oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in lagu diley qaar ka mid ah ciidamada dowlada  oo uu ka mid ahaa taliyihii ururka lixaad ee ciidamada Gorgor Col. Maxamed Cabdiwaaxid.