Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay saraakiil ka socotay Hay’adda WHO (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka waxaa lagaga hadlayay sidii WHO ay u balaarin lahayd tageerada dhinaca Caafimaadka ah isla markana la iskaga kaashan lahaa shaqooyinka baaxada leh ee Wasaarada Caafimaadka iyo WHO ay sida wadajirka ah u qabtaan.

Waxaa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayay Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah Mursal Maxamed Khaliif iyo wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Maxamed Ibrahim Ogle.