VIDEO: Axmed Karaash oo ka qeybgalay Xuska maalinta caalamiga ah ee Deegaanka (Sawirro)

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahmed E. Osman Karaash, ayaa ka qayb galay xuska maalinta caalamiga ah ee Deegaanka aduunka oo maanta lagu qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweyne Karaash ayaa ku bogaadiyay Masuuliyiinta Wasaarrada deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland shaqada muuqata ee ay ka qabteen deegaanada Puntland, gaar ahaan xirmaynta dooxooyinka waaweyn iyo la dagaalanka Ayaxa.

Ahmed E. Osman Karaash, Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in Shacabka reer Puntland ay masuuliyad weyn ka saaran tahay illaalinta Deegaanka ay ku nool yihiin, isagoona xusay in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay illaalinta deegaanka.