Cabdiraxmaan Cabdishakuur ”Xubnihii NISA ka tirsanaa weli si xoog leh ayay guddiyada ugu jiraan”

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa ku tilmaamay mid aan si wanaagsan loo turxaan bixin xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in aysan jirin cid laga talo laga geliyey, dadkii gudbiyay liiskana aan lala tashan.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay.

Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha.

Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay.