Wasiirka Waxbarashada Puntland oo dhagax-dhigay dhismayaal lagu kordhinayo dugsigga H/dhexe ee Isku-shuban (VIDEO)

Wasiirka wasaarada waxbarashada dawlada Puntland Cabdilaahi Maxamed oo ay weheliyaan agaasimaha waaxda mashaariicda, tababarada, iyo farsamada gacanta Cabdilaahi Axmed Maxamuud iyo saraakiil ka socota hay’ada Unicef oo wasaarada waxbarashada ka caawinaysa dhismayaal lagu kor-dhinayo qaar ka mid ah dugsiyada Puntland, ayaa gaaray degmada Isku shuban ee gobolka Bari.

Masuuliyiinta ayaa dhagax-dhigay dhismayaal lagu kordhinayo dugsigga hoose dhexe ee degmada Isku-shuban, kaas oo baahi wayn loo qabay maadaama ay badatay ardaydii wax ka dhiganaysay iskuulka, fasaladuna ay ciriiri ku noqdeen.

Maxamuud ismaaciil Gudoomiyaha degmada Isku-shuban iyo cabdiqaadir nuur cali madaxa waxbarashada degmada Isku-shuban ayaa uga mahad-celiyay wasaarada ka jawaabista baahiyaha xaga waxbarashada ee ay qabeen.

Cabdiweli Cismaan Maxamed oo ah masuul ka tirsan hay’ada Save ayaa dhankiisa sheegay in Unicef oo kaashanaysa Wasaarada Waxbarashada ay ka jawaabi doonaan baahiyaha kale ee jira.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sarre ee dawlada Puntland Cabadilaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhagax-dhiga dhismayaashaan cusub ay qayb ka tahay mashruuc balaaran oo dugsiyada Puntland qaarkood lagu balaarinayo.