Akhriso: Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo Waraaq cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed iyo Hassan Sheikh Mohamud, ayaa Waraaq ay u direen Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble kaga hadlay cabasho ay weli ka qabaan xubno kamid ah Guddiyada farsamada Doorashooyinka Labada heer.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Labada Madaxweyne ay Ra’iisul Wasaare Rooble u sheegeen inay weli ku jiraan Guddiyada xubno kamid ah shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Hay’adda NISA, aysana ku koobneyn dadka ay cabashada ka qabeen 34 xubnood ee la sheegay in guddiyada laga saaray.

Waraaqda cabashada ah ee Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen Madaxweynayaashii hore ayaa imaanaysa, xilli maalin kahor uu shaaciyay Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho inay Guddiyada farsamada Doorashooyinka ay weli ku jiraan xubno kamid ah Hay’adda NISA, aysana ku kalsooneyn turxaan bixinta ay sheegeen inay sameeyeen Guddigii uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Idilnews