Madaxweynaha Jubbaland oo magaaladda Nairobi kula kulmaya Madaxda ka socota dalalka Khaliijka

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa u socdaalay magaaladda Nairobi ee Caasimadda Kenya, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono wakiilo iyo madax ka socota dalal kala duwan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in diyaarad khaas ah ay garoonka Kismaayo ka qaaday galinkii dambe ee Isniintii Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana uu u kulamo kula yeelan doonaa magaaladda Nairobi qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, Hay’adaha samafalka iyo Madax ka socota dalal katirsan Khaliijka oo ay ka wada-hadlayaan Doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhawaan gudbiyay xubnaha ku matalaya Jubbaland guddiyada Doorashooyinka Labada heer, kuwaas oo isbedel uu ku sameeyay.

Idilnews