Akhriso: Xubnaha uu isbedelka ku sameeyay Madaxweyne Deni ee guddiyada Doorashooyinka

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni uu isbedel ku sameeyay 2 kamid ah xubnaha Puntland ku matalaya Guddiyada doorashooyinka Dalka.

Xubnaha uu isbedelka ku sameeyay Madaxweyne Deni ayaa kala ah;

1: Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyadda Abdiweli Timacade – kaas oo kamid ah 4 xubnood ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku matalaya Puntland.

2: Axmed Abdi Hurre – oo kamid ahaa 8 xubnood ee Guddiga doorashooyinka ee heer Dowlad Gobaleed, kaas oo kamid ah saaxiibada Madaxweyne Deni ahna Seedigiis.

Madaxweynaha Puntland ayaa lafilayaa inuu galinka dambe ee maanta uu gudbiyo Liiska cusub ee xubnaha cusub Guddiyadda, iyadoo la filayo inuu Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble uu ku dhawaaqo Guddiyada labada heer 48 saac gudahood.

Idilnews