Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Fahad Yaasiin weli faraha ayuu kula jiraa arrimaha doorashooyinka”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in Taliyaha Hay’adda NISA uu weli faragalin ku hayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Guddiyada farsamada Doorashada.

Hoos ka akhriso Qoraal kooban oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur soo dhigay Bartiisa Facebook.

“Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska waxey ku ammaanan yihiin in ay fuliyeen qodobka 4-aad ee heshiiska doorashooyinka ee dhigayey in ciidanka qalabka sida uusan ku milmin, faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada, balse taliyaha hay’adda Nabadsugidda weli faraha ayuu kula jiraa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kala shaandheynta guddiyada. Weli guddiyada waxaa ku jira xubno dharcad ah oo NISA ka tirsan.”