Xanuunka Coronavirus oo ku sii kordhaya waddanka Congo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Felix Tshisekedi ayaa sheegay in isbitaallada dalkiisa ay ku soo badanayaan bukaannada uu soo ridanayo xanuunka COVID-19, kaddiib markii mowjaddii saddexaad ay ku dhifatay.

Sida dalal badan oo African ah, Congo waxay si rasmi ah u diiwaangalisay kiisas yar, inkasta oo cudurkan dilay tiro siyaasiyiin caan ahaa. Heerarka tallaalka oo hooseeya ayaa dalkan u horseeday inay u nuglaadaan nuucyo badan oo kala duwan.

Saraakiisha caafimaadka ayaa diiwaangaliyay 254 kiss oo COVID-19 jimcihii, waana tiradii ugu badneyd ee hal maalin ah la diiwaangaliyo tan iyo billowgii cudurkan, waxaana cudurkan uu ku dhacay 35,000, halka ay dalkaas ugu geeriyodeen 830 qof.

“Waxaan qaadayaa tallaabooyin adag oo aan kula tacaali karo cudurkaan soo laba kacleeyay. Waxaan gaar ahaan ka hadlayaa nuuca cusub ee India” ayuu Tshiseketi u sheegay saxafiyiinta isagoo ula jeeday nuuca Delta.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa qortay madaxweyne Tshiseketi uusan cadeynin talaabooyinka uu qorsheenayo inuu qaado.

Congo ayaa dib u dhigtay ololaheeda tallaalka in ka badan hal bil walaac laga qabo waxyeelo aad u yar oo laga helay tallaalka AstraZeneca, iyadoo, in ka yar qiyaastii 30,000 oo tallaakan la qaatay.