Madaxweyne Deni oo uga digay dhalinyarada Puntland ku biirista Argagixisada (VIDEO)

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa ka hadlay xaalada Amni ee magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug iyo Maxkamadeynta xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab oo ka socota Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay Ciidammada Amniga Puntland ay soo afjareen 2 Shabakadood oo kamid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo muddo ka badan 13 sanno dilal iyo Qaraxyo ka geysanayay magaaladda Gaalkacyo.

Waxaa uu xusay in Shabakadahan oo ka koobnaa 34 xubnood, 18 kamid ah lasoo tagay Maxkamad, xukun dil ahna lagu riday 17 kamid ah. Isagoona intaas ku daray in dadka la qabtay badidood ay dhaqaale u galeen Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Said Abdullahi Deni ayaa ugu baaqay Dhalinyarada Puntland inay ka fogaadaan kamid noqoshada shabakadaha Argagixisada ah ee doonaya dhibaateynta Amniga iyo Hormarinta dadkooda iyo deegaankooda.