Dood cilmiyeed ku saabsan Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

Xarunta Horumarinta & Cilmi-baarista Puntland (PDRC) iyo Hey’adda ay bah-wadaagta yihiin ee FBA waxay si wadajir ah u qabteen kulan dood cilmiyeed lagu falanqayn doonayo tacadiyada ka dhanka ah haweenka ee xilliyada doorashooyinka.

Ujeedadda kulanka waa in Ia qeexo oo hey’adaha amniga, guddiga doorashooyinka Puntland iyo bulshada rayidku doodaan caqabadahaas xagga amniga ah ee ay wajihi karaan haweenka iyo tacadiyada dhalan kara marka la gaaro doorashada golayaasha degmooyinka kuwaa soo siyaabo kala duwan u saameeya haweenka iyo ragga.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka, ururada siyaasada,hay’adaha amniga, saraakiisha dowladda, iyo beesha caalamka, waxaana la filayaa in kulankaan laga soo saaro daraasad ama bayaan digniin hore oo ku saabsan tacadiyada iyo caqabadaha amniga ee imaan kara xilliga doorashooyinka sida looga hortagi karo.