Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Puntland oo ka wada-hadlay Hanaanka canshuuraha (Sawirro)

Xarunta Wasaradda Maaliyadda Puntland waxaa si habsami leh uga socda shir u dhexay Ganacsatada Puntland iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan waxaa shir gudoominayay Wasiirku xigeenka Maaliyadda ahna siihaya xilka Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi, Wasiirka kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdi Ibraahim Warsame[Qawdhan], kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimaha Dakhliga W/Maaliyadda Abshir Maxamed Abshir.

Ujeedka shirka ayaa ah dar-dargalinta hannaanka cashuuraha iyo horumarinta kaabayasha dhaqaalaha,shirka ayaa waxaa u socdaa shir horay ay u yeesheen mas’uuliyiinta dhaqaalaha iyo ganacsatada Puntland oo muddo Garowe uga socda.

Wadatashigii ugu dambeeyay ayaa laysku af gartay qodobo muhiim ah oo si wayn looga dooday dhawaana la filayo in la soo gabagabeeyayo.