Golaha Wasiirada Jubbaland oo kulan ka yeeshay Arrimaha Doorashooyinka Dalka (VIDEO+Sawirro)

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyey shirka caadiga ahaa ee golaha Xukuumada.

Todobaadka shirka golaha wasiirada Jubbaland waxaa warbixin lagaga dhagaysanayay Wasaarado dhowr ah oo soo gudbinayey qorshayaasha hortabinta u leh.

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa golaha wasiirada ugu horeeyntii oga warbixiyey xaalada siyaasada Dalka mida Amni iyo xaalada doorashada Dalka uu xiligan ku jiro, wuxuu golaha wasiirada ku booriyey in ay dar dar galiyaan howlahooda shaqo madaama ay biloow yihiin shaqooyinka Wasaaradaha oo dhawaan la dhaariyey Wasiirada.
Wasiirka Wasaarada Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Mudane Maxamed Ibraahim Ogle ayaa shirka golaha wasiirada oga warbixiyey howlaha Wasaarada iyo dar dargalinta shaqooyinka horyaala waxaa sidoo kale golaha warbixin ku aadan Wasaarada ka hor jeediyey Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Jubbaland Mukhtar Kaamil Koley.

Gaba gabadhii Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo shirka soo xiray wuxuu kula booriyey golaha wasiirada u adeegida bulshada ree Jubbaland oo baahiyo badan u qaba sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada Dowlada oo loo daadajin lahaa.