Mareykanka oo si adag uga hadlay duqeymaha Gobalka Tigray

Maraykanka ayaa si weyn u cambaareeyay duqeyn dad rayid ah ay ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay in ay tahay waxaan la aqbali karin xadgudubyada la socda Gobalka Tigray, loona baahan yahay i si deg deg ah loo joojiyo.

Linda ayaa intaa ku qabtay in Xukuumadda Abiy ay kala hadleen joojinta xadgudubyada Binni’aadamnimo, Waxaana ay ugu baaqday Midoga Yurub iyo Qaramada Midoobay in baaritaan lagu sameeyo dadkii ka danbeeyay duqeymaha dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Gobalka Tigray.