Wasiir Timacadde “Hirgalinta doorasho loo dhan yahay waa qorshaha Puntland”

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland Abdullahi Ali Hersi Timacadde, ayaa sheegay in Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ay u amba baxeen magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wasiir Timacadde oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Waftiga Madaxweyne Deni ay Muqdisho uga qeybgalayaan Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka, isagoona intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay hirgalinta doorasho loo dhan yahay, laguna wada qanacsan yahay, taas oo ka dhacda Soomaaliya.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Wasiir Timacadde.

Wafti Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaan hadda u amba baxnay Magaalada Muqdisho oo aan uga qayb galayno shirka golaha wadashiga qaranka ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Hirgelinta doorasho loo dhan yahay, laguna wada qanacsan yahay waa qorshaha siyaasadeed ee Dawladda Puntland.

Idilnews