Isbitaalka degmadda Burtinle oo dib-u-dhis lagu sameynayo (Sawirro)

Wasiirkuxigeenka wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Mudane Abdinaasir Yuusuf Xaaji, ayaa maanta dhaggax dhigay dib udhis iyo dayactir lagu samaynayo si casri ahna loo dhisayo Cisbitaalka Magalaada Burtinle.

Waxaa xaflada lagu dhaggax dhigayay ka qaybgalay Wasiirku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Abdinaasir Yuusuf Xaaji,Duqa magaalada iyo Madaxa caafimaadka Soomaliya hay’adda UNICEF Mr Lion.

Dr Lion madaxa caafimaadka hay’adda UNICEF Soomaliya oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri:-

Mudane Wasiirkuxigeen mudanayaal waxaan ku faraxsanahay inaan maanta dhaggax dhigayno mashruuc balaaran oo wax looga qabayo cisbitaalka degmada Buurtinle kaas oo loogu talagalay inuu caawiyo hooyada iyo ilmaha iyo dadka kale ee caafimaadka ka heli jiray, waxaana rajaynayaa in mashruucaan ufuli doono sidii loo qorsheeyay, marka uu dhamaadana wax badan ka badali doono xaalada caafimaadka ee degmada.

Waxaan uga mahadcelinayaa dawlada Garmalka oo dhaqaalaha bixisay iyo masuuliyiinta wasaaradda oo muujiyay ka go’naanshaha hirgalinta mashruucaan.

Duqa degmada,agaasimaha cisbitaalka iyo cuqaasha oo iyana ka hadlay ayaa bogaadiyay mashruucaan lagu dhisayo laguna dayactirayo cisbitaalka degmadda laga dhigi doono mid casri ah oo la jaanqaada kuwa aduunka.

Wasiir xigeenka wasaaradda caafimaadka Mudane Abdinaasir Yuusuf Xaaji oo xaflada ka hadlay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in maanta la dhaggax dhigayo cisbitaalka magaalada Burtinle oo ka mid ah cisbitaalada ku yaala Puntland, waxa uu uga mahadceliyay wadanka Garmalka hay’adda UNICEF oo mashruuca lasoo mariyay iyo shirkada dhisaysa siday kaalintooda uqaateen.

Waxaa uu dadka deegaanka ka codsaday in ka shaqeeyaan sidii mashruucaan oo mudo 8 bilood ah socon doona uu ufuli laha, hadii caqabado soo baxaa jiraana si wadajir ah loo xaliyo loogana wada qaybqaato.

Waxa uu sidoo kale shirkada Kulmiye oo mashruuca ku guulaystay kula dardaarmay inay sida ugu wangsan dhismaha ufuliyaan.