Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Qoorqoor oo booqday dhaawacyada dagaalkii Wisil (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa isbitaalka ku booqday askar iyo rayid ku soo dhaawacmay  weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolla Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo isdul taagay dhaawacyada ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixinta la xiriirta dhaawacyada, isagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah, waxa uuna uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay isaga caabiyeen cadowga Al-Shabaab oodeegaankooda soo weeraray.