Sawirro: Booliska degmadda Bursaalax oo qabtay khamri fara-badan

Ciidammada Booliska degmadda Bursaalax ee Gobalka Mudug oo howlgallo ka sameeyay degmadda ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan, oo lagu gadayay gudaha magaalada.

Khamrida oo ka koobneyd saddex kartoon, ayaa Ciidamadu ku gubeen saaka fagaare. Taliyaha Booliska degmadda Bursaalax oo la hadlay saxaafadda ayaana digniin u diray kooxaha ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha khamrida, isagoona sheegay inay ka qaadi doonaan talaabo adag.