Guddiga Doorashooyinka heer Federaalka oo doortay Guddoomiye KMG ah

Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo kulan rasmi ah maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga u doortay Muuse Geele Yuusuf.

Guddoomiyaha cusub ee KMG ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada doorashada guddoonka Guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan (5) xubnood oo qabanaya doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Muuse Geele Yuusuf, oo kamid ah xubnaha ka socda Puntland ayaa horey u soo noqday Guddoomiyaha Gobalka Bari.