Mustafe Cagjar “Marnaba uma dulqaadan doonno shakhsiyaadka u gacan-haadinaya TPLF” (VIDEO)

Dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ka hadlay soo labo kacleynta  TPLF oo dhawaan la wareegtay maagaalada muhiinka ee Makalle ka dib markii halkaasi ay ka baxeen ciidanka Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar ayaa sheegay in maamulkooda uu tilaabo adag uu ka qaadi doono shaqsiyaadka taageerada u ah in TPLF ay dib ula wareegto talada dalka Itoobiya.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhammaan la adkeeyay Ammaanka magaalooyinka dowlad degaanka Soomaalida si looga hortaggo in ay ka dhacaan falal Amni daro inta ay socdaan howlgallada.

“Marnaba uma dulqaadan doonno shakhsiyaadka u gacan-haadinaya ururkii 30-kii sanno ee tegay baabi’inayey bulshada Soomaaliyeed dhinac dhaqaale iyo mid bulshaba”.

Ugu dambeyntii waxaa uu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay xasuusnaanadaan xasuuqii ka dhacay dowlad degaanka oo uu sheegay in TPLF ay ka dambeysay.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.