Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo dib u shaqo bilowday (VIDEO)

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu furtay safaaradeedii dalka Kenya kaddib muddo lix bilod ah oo ay u xirnayd khilaafkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dowladda Kenya.

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo sheegay in safaaraddu ay dib u bilowday adeegyadii ay bulshada u haysay ayaa sidoo kale sheegay wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba waddan oo uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo aanan si fudud u kala go’i karin.