Ciidamada Dowlada oo dib ula wareegay deegaanka Bacaadweyn

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dib ula wareegay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug iyadoo aan wax dagaal ka dhicin.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay in ay iskood isaga baxeen deegaankaas kadib markii ah bilihii la soo dhaafay halkaas maamulayeen.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka Xoogga Dalka ee qabsaday Bacaadweyne ayaa howlgalkooda oo ka bilawday Deegaanka Wisil in ay ku tageen deegaanno kale oo dhaca Koofurta Gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa bilaabay howlgallo isugu jiro Miino baaris iyokuwo ay ku raadinayaan xubno katirsan Al-Shabaab iyo dadka ay ku tuhmayaan ee ku sugan Deegaanka Bacaadweyne.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la wareegay maamulka deegaanka Bacaadweyne 17-kii April 2021 kadib markii ay isaga baxeen Ciidamada Xoogga dalka.

Idilnews