Jubbaland oo ka hadashay celinta La-taliyaha Farmaajo (VIDEO)

Taliyaha ciidanka Booliska ee qaybta gobolka Jubbada hoose Gashaanle sare Sadiiq Maxamuud Dhogor oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay maal mahii lasoo dhaafay ay la socdeen dhaq-dhaqaaqyo ay kooxo uu hormuud u yahay nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage ay ka wadeen gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo doonayay in ay magaalada soo geliyaan hub sharci darro ah kaas oo la doonayey in lagu dhibaateeyo nabadda iyo kala dambeynta ka jirta Jubbaland.

Taliyaha ayaa sido kale sheegay in ay maanta ciidammadu ka war heleen in Cabdi Cali Raage uu kasoo kicitimay magaalada Muqdishu isaga oo isticmaalaya magac aan kiisa ahayn si uu u yimaado magaalada Kismaayo, kaddibna ay ciidammadu amreen in uusan kasoo degi karin garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo, si loo ilaaliyo nabadgaliyada iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Jubbaland.

Cabdi Cali Raage ayaa kamid ah dadka ka faa’iideysanayey khilaafka Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya isaga oo mudaba ka shaqaynaayey dibin daabyeynta Dowlad goboleedka Jubbaland.