Mid kamid La-taliyayaasha Farmaajo oo loo diiday inuu tago Kismaayo

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa maanta ka celiyay inuu ka dego magaalada Kismaayo Cabdi Cali Raage, oo kamid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, sida ay Idilnews u sheegeen Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Jubbaland.

Diyaarad uu saarnaa Cabdi Cali Raage, oo ka kasoo kacday magaalada Muqdisho ayaa lagu amray in aysan kasoo degi karin garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed ee magaalada Kismaayo, dibna ay ugu laabato Muqdisho.

Cabdi Cali Raage, oo la hadlay BBC News Somali ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, in dartiis uu diyaarad sida dad shacab ah uga celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Talaabada Jubbaland ay uga celisay garoonka diyaaradaha Kismaayo La-taliyaha Farmaajo ee Doorashooyinka Cabdi Cali Raage, ayaa kusoo aadaysa xilli uu Kismaayo ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mohamed Hussein Roble.

Idilnews