Maxaa looga hadlay kulanka Baarlamaanka Puntland ee maanta ? (VIDEO)

Waxaa Golaha Wakiillada u qabsoomay Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa soo xaariday 36 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud oo Goluhu ku samaynayey akhriska saddexaad ka dib markii Guddiga Shuruucda, Caddaaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurku ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda la xiriirta wax-ka-bedelka xeerka.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa qodob-qodob uga doodey, si waafaqsan Dastuurka Dawladda Puntland, ka doodista wax-ka-bedelka xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa sii socon doonta ilaa maalinta beri.