Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Xeer muhiim ah (VIDEO)

Waxaa Golaha Wakiillada u qabsoomay Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland oo Goluhu ka doodayey maalintii labaad, ka dib markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Ugu dambeyn Golaha Wakiillada Puntland, wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-bedelka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Puntland ,waxaana oggolaaday 37 Xildhibaan, diidmo ma jirin, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.