VIDEO: Puntland oo Dayac-tir ku sameynaysa garoonka diyaaradaha Qardho (Sawirro)

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland ayaa maanta daah-furtay dayactir lagu sameynayo garoonka diyaaradaha magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar.

Dayactirka ayaa ka koobnaan doona hagaajinta 2-KM oo kamid ah dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, iyo silig lagu wareejin doono 10-KM Square oo ah dhulka Garoonka.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Hon Ilyas Osman Lugatoor, oo daah-furay dayactirka garoonka Qardho ayaa sheegay inay Wasaaradda ka go’an tahay hagaajinta iyo hormarinta garoomada diyaaradaha Puntland, si loo xoojiyo ku xirnaanta Puntland ee Caalamka.