VIDEO: Axmed Karaash oo daah-furay Ololaha beerista 4 Malyan oo Geed (Sawirro)

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daah-furay ololaha beerista 4 Malyan oo Geed oo lagu beerayo Deegaanada Puntland.

Daah-furka ololaha oo ay iska kaashadeen Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda federaalka ee Itoobiya waxa kasoo qayb galay qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland, masuuliyiinta Wasaaradda deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland, Xildhibaano, Wasiiro iyo wakiilo ka socda Hay’addaha Caalamiga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa soo dhoweeyey Iskaashiga ololaha dhiraynta iyo wadashaqaynta joogtada ah ee ka dhexaysa Puntland iyo Dowladda Itoobiya, waxa uu tilmaamay in dhirtu muhiim u tahay Deegaanka iyo nolosha bini’aadamka.

Ugu dambayn, Madxweyne ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasaarada deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland dadaalka ay wado ee ku aadan ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga jarista dhirta, waxaana uu kula dar-daarmay in masuuliyad weyn la iska saaro deegaanka.