Abiy Ahmed oo ku eedeeyay TPLF xasuuq iyo Askareynta Carruurta.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in lala arko xasuuq uu sheegay inay wadaan ciidamada TPLF, iyo askareynta carruurta.

Abiy Ahmed oo qoraal soo saaray ayaa ku eedeeyay Hay’adaha caalamiga iyo dalalka Reer Galbeed, inay weli Dowladdiisa u jeedinayaan eedeymo, aysana ka hadleyn falal ka dhanka ah Binni’aadnimada oo ay wado TPLF.

“Beesha calamka oo gargaarka iyo macluusha horay uga hadlaysay,hadda markii kooxda Tplf caruurta soo safeen waxay door bideen inay ka aamusaan.Hadda oo ay wadoyinkii gargaarku mari lahaa kooxdan TPLF furimo dagaal ka dhigeen,hay’addaha gargaarku wali waxay eedaynayaan Dawladda.Iyadoo arrimahaas oo dhan cindiga lagu hayo,Dawladdu waxay qaadi doontaa tallabada ugu wanagsan,sidda ugu haboon.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in talaabada ay Ciidankiisu uga soo baxeen Gobalka Tigray ay tahay fursadii ugu dambeysay ee nabadeed, waxaana uu ka gaabsaday inuu sheego qorshihiisa ku aadan TPLF iyo in markale awood ciidan kala hortagayo .

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay dadwaynaha Itoobiya inay garab istaagaan ciidamada milateriga ah.