Wasaaradaha Waxbarashada DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo Is-afgarad gaaray (Akhriso)

Wasiirada Waxbarashada DFS, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir oo Shir looga hadlayay Hormarinta Waxbarashada Soomaaliya uu maalmo uga socday magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa kala saxiixday Is-afgarad l, kaas oo ka kooban 4 qofob.

1. In la asaaso Golaha Iskaashiga iyo Wadatashiga Wasaaradaha wxbarashada.

2. In la mideeyo qalfoofta manhajka(Curriculum Framework) loona saaro guddi farsamo midaynta Qalfoofka Manhajka( Curriculum Framework).

3. In Maamul Goboleed walba si madax banaan u maamusho imtixaankiisa, lana sameeyo guddi madax banaan oo sameeya halbeegyada Guud.

4. In shahaadooyinka laga qaato lagana bixiyo maamul goboleed walba loona daabacan karo hab online ah.