Cali Guudlaawe iyo Sheekh Shariif oo ka wada-hadlay arrimaha Doorashooyinka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Ali Gudlawe Hussein, ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sharif Sheikh Ahmed.

Madaxweyne Ali Gudlawe iyo Sharif Sheikh Ahmed ayaa ka wada-hadlay Arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda Guud ee Hirshabelle. Sharif ayaa sheegay inuu u ballanqaaday Madaxweynaha Hirshabelle inuu la garab taagannahay taageero si loo xaqiijiyo Hormarinta Hirshabelle iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.