Ciidanka Kenya oo duqeymo culus ka fuliyay Gobalka J/hoose

Diyaaradaha dagaalka Ciidanka Kenya ayaa duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta ayaa lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasoo ku sugnaa saldhig ay leeyihiin, Agaasimaha la dagaalanka Argagaxisada iyo Amniga Qaranka kenya David Goldman ayaa sheegay duqeyntan ay khasaare xoog-leh gaarsiisey dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan duqeyntan ku dilnay illaa 11 dagaalamayaasha Alshabaab ka tirsan waana sii wadaynaa weerarada aan la beegsanayno argagaxisada,”ayuu yiri David Goldman.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay Alshabaab oo la xiriira weeraradan duqeynta ah oo ay ciidamada Kenya ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose.

Idilnews