Seychelles oo sii deysay Soomaali loo heystay Burcad-badeednimo

Maxkmada ku taal Jazeerada Seychelles ayaa sii daysay Shan nin oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haystay fal burcad badeednimo, kadib markii maxkamada sare ay ogaatay in aysan jirin cadeyn ku filan eedaha loo haystay ragaan.

Makamadaynta ragaan ayaa bilaabatay bishii 9aad ee sandkii hore. Qareenka difaacayay shanta nin ayaa yiri ”Hadda raggaas waa la siidaayay. UNDOC sameyn doonta qabanqaabada lagama maarmaanka u ah sidii dalkooda dib loogu celin lahaa maadaama ay waddanka ku joogaan xaalad Muhaajirnimo oo la Mamnuucay,”