VIDEO: Saldhig casri ah oo laga hirgalinayo galbeedka magaalada Boosaaso (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland, Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa maanta dhagax dhigay Saldhig cusub oo laga hirgaliyey galbeedka Magaalada Bosaaso, kaas oo noqonaya saldhigan loo dhisayo si casri ah, iyadoo ay dhismaha saldhiga ay Puntland ka taageerayso Hay’adda UNOPS.

Wasiirka Amniga Puntland oo khudbad ka jeediyay munaasabadda dhagax dhiga Saldhigan ayaa sheegay in saldhigan uu qeyb ka qaadanayo xoojinta Amniga magaalada Boosaaso.

Munaasabadda dhagax dhigan saldhiga ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka wasaarada Tamarta biyaha Iyo Macdanta, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari, iyo Duqa Degmada Boosaaso.

Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ahmiyad gaar ah siisay xoojinta amniga guud ee Puntland hirgalinta dhismayaal casri ah oo uu qeyb ka yahay saldhiga maanta la Dhagax-dhigay.