Axmed Karaash oo Taliye cusub u magacaabay Gobalka Sool

Ku-simaha Madaxweynaha Dawladda Puntland Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa Xeer Madaxweyne ku magacaabay Lr.60, July 18, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliska Booliiska Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyay: Shaqada ka socota Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Wuxuu u magacaabay:- G/sare Aadan Maxamed Cabdi Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Sool.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.