Halkee ku dambeeyay khilaafkii Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda Puntland ?

Xiisad siyaasadeed ayaa todobaadyadii tagay ka taagneyd Golaha Wakiilladda Dowladda Puntland, kaddib markii ay Xildhibaanadu meel-mariyeen Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Baarlamaanka Puntland.

Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha ee cusub ayaa dhigaya in cod isku mid ah (44 xubnood), ay xasaanada ku weyn karaan Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne kuxigeenka, Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

Talaabadan ay qaadeen Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa waxaa si adag u naqdiyay Madaxtooyadda Puntland, oo kaashanaysa xubno kamid ah Baarlamaanka, waxaana jiray is qab-qabsi ka dhex curtay Golaha.

Maxaa ka cusub haatan khilaafka ?

Khilaafka ka dhashay Wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka ayaa haatan u muuqda in laga gaaray heshiis, kaas oo dhexmaray Madaxtooyadda Puntland iyo Guddoonka Baarlamaanka oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in Labada Aqal ay ku heshiiyeen in la qaboojiyo xiisada, laguna dhameeyo wada-hadal, iyadoo la xalinayo tabashada Guddoonka Golaha Wakiillada, iyo qaar kamid ah Xildhibaanada.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in dhinacyadu ku heshiiyeen in meesha laga saaro abaabulada iska soo horjeeda ee Madaxtooyadda iyo Baarlamaanka, maadama buuq siyaasadeed oo haatan ka dhashay gudaha Puntland uu fursad siinayo kooxo abaabulan oo olale siyaasadeed ka wada gudaha Puntland, kaas oo khatar ku ah jiritaanka Puntland.

Idilnews