Turkiga oo bad-baadiyay Tahribayaal

Markab laga leeyahay dalka Turkiga, oo ku guda jiray waajibaadkiisa kormeerka meel ka baxsan biyaha xeebaha Liibiya, ayaa soo badbaadiyey 80 tahriibeyaal ah sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhiggu Axaddii.

Markabkan ayaa ku dhaqaaqay markii uu helay macluumaadka muhaajiriinta iyadoo Diyaarad helicopter ah oo saaran markabka “TCG Gediz” ay durbadiiba bilowday dadaallo indha indheyn ah, Liibiya ayaa ah barta ay ka baxaan inta badan tahriibayaasha ka sii gudbaya badda halista ah ee badda Mediterranean.

Turkiga ayaa goor sii horeysay ka codsaday bulshada caalamka inay xal u helaan xididaada tahriibka isla markaana ay la wadaagaan culeyka si siman kadib markii 43 qof la waayey markii doon ay la socdeen 127 tahriibeyaal ah ay ku degtay badda Mediterranean.