Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo eedeyn u jeediyay Madaxda DG (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federal isagoo kula dardaarmay in ay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Guddiga doorashooyinka ayaa Ra’iisul wasaaraha u gudbiyay in caqabadaha ay heysta ay kamid yihiin dhaqaalle yarida iyo in wali aysan soo gaarin dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal.

Sidoo kale, Waxaa ay sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare.