Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday sarkaalkii ugu Awooda badnaa NISA (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday C/llaahi Kulane oo ahaa Madaxa Shaqaalaha NISA iyo Taliyaha Nabadsugida ee Garoonka Aadan Cadde C/wahaab Sheekh Cali, kaddib markii maanta ay jabiyeen amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in aan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu xayiri karin Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

C/llaahi Kulane ayaa ahaa nin Awood badan ku lahaa NISA, isagoona ahaa u xil saaranaha Farmaajo ee Gobalka Gedo, waxaana xil ka qaadistiisu ay meesha ka saari doontaa tuhunkii laga qabay Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa “in uusan u Madax bananeyn go’aanadiisa”.