Hub iyo saanad Ciidan oo laga qabsaday Kooxda Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Qeybta 21 aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa soo Bandhigay Saanad iyo maydadka Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab,kuwaas oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Koonfurta Gobolka mudug

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay inay Dagaalkii  ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanada Ciidanka howlgalada kawadaan ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha Daraawiishta Galmudug ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay  inay la wareegeen Fariisimo ay Al-Shabaab kunsugnaayeen, welina ay Ciidamada howlgallada wadaan.

Idilnews